AKHRISO:- Putin oo booqanaya Turkiga, xilli maxkmada ICC ay amartay in lasoo xiro

0

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa sheegay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin laga yaabo inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee Abriil, si uu u daah-furayo koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.

“Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV.

Horraantii bishaan, maxkamada caalamiga ah ee dambiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Putin, maadaama lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine, taasoo keentay caro ka timid Aqalka madaxtooyada Ruushka ee Kremlin. Laakiin Turkigu qayb kama aha heshiiskii Rome, ee lagu dhisay maxkamadda ICC.

Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu.

Mashruucan oo ku kacaya $20 bilyan, ayaa Turkiga u oggolaan doonta inuu ku biiro kooxda yar ee leh tamarta nukliyeerka rayidka ah.

Ruushka ayaa Isniintii beeniyey wararka Turkiga ee sheegaya in Putin uu qorsheynayo inuu booqdo Turkiga.