AKHRISO:- Dowladda oo sheegtay in uu isku soo dhiibay hoggaamiye katirsan Al-Shabaab

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-Shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka.
Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Al-shabaab sagaalkii sano ee lasoo dhaafay, waxaana u xalay isku soo dhiibay Guutada 14-ka Oktoobar ee Xoogga Dalka ee ku sugan dagaanka Janaale.

Madaxda dowladda Federaalka ayaa marar badan ugu baaqay xubnaha Al-Shabaab inay ka baxaan urururkaas, iyada oo dhinaca kale ay ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada caalamka ay wadaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Dawladda Soomaaliya ayaa shalay mar kale ku celisay in wejiga labaad ee hawlgallada milatari looga dan leeyahay in al-Shabaab waddanka looga saaro, waxay dawladdu sheegtay inaysan hawlgalladu istaagayn ilaa buqcad kasta laga saaro Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa toddobaadkii hore sheegay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-Shabaab ah.