AKHRISO:- Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgal khasaaro geystay

0

Ciidanka Difaaca Dowlad Goboleedka Puntland ayaa howlgallo ka dhan ah Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ka fuliyay dhul ku yaalla Buuraha Gobolka Bari.

Howlgalka ayaa waxaa sigaar ah u fuliyay Ciidamada Qaybta 7aad ee Urur ka Onkod oo ka howl gala Degmada Balidhidin, waxaana intii uu howlgalka socday uu dagaal dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacidh.

War kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada difaaca Pubtland Aaga Golis ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu gubay Gaadiid ay lagaayeen Kooxda Daacish.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen Kooxda Daacish-ta Soomaaliya, in kastoo aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashadaas.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Puntland waxaa ay dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ay dagaal kula galeen xubno katirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar dilal qorsheysan iyo weeraro ka fuliya degaano katirsan Gobolka Bari.