AKHRISO:- Al-Shabaab oo weeraray Saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka Dowladda

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar dagaalamaayal ka tirsan Al-shababa saakay ay ku qaaden ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin Jubbada Hoose, faah faahinno kala duwana yaana kasoo baxaya.

Al-Shabaab ayaana laba weerara oo kala duwan ku qaaday laba xero oo ciidamada Soomaaliya ku leeyihiin gobollada jubada hoose iyo Hiiraan sida ay sheegayaan wararka nasoo gaaray.

Dagaalamayaal hubersan ayaa deegaanka baarsangooni ku qaaday weerar ku bilowday qarax kadibana halkaasi waxaa kadhacay dagaal dhexmaray ciidamadii halkaa joogay iyo kooxdii werararka soo qaadday, ilaa iyo hadda wax faah-fahain dheeraad ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Dhanka kale Koox kale oo ka tirsan isla Al-shababaka ayaa sidoo kale weerar ku qaaday Saldhig ciidamada dowladda Soomaaliyo iyo ciidamo deegaanka ay ku leeyihiin tuulada baardheeere ee duleedka magaalada baladweyne ee xaruunta gobolka hiiraan waxaana hlkaasi ka dhacay iska hor imaada u dhaxeeyaya labada dhinac.