AKHRISO:- Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaaray Beledweyne & ujeedka safarkooda

0

Waxaa Maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Saraakiil sare oo ka socota dowladda Itoobiya oo ay hor kacayaan General Tesfaye, iyo General Xaaji.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Safarka saraakiishaan uu ku qotamo sidii ciidanka Itoobiya dhankooda uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka bilaabanay gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida Aadan Axmed Sooyaan iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah wafdiga saraakiisha ah, kuwaas oo shirar kula leh halkaas mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Itoobiya ee ka baxsan ATMIS ayaa dhawaan la filayaan in aay soo gaaraan gobolka Hiiraan si ay howlgalka uga qeyb qaataan howlgalka, kuwaasi oo haatan dhaq-dhaqaaaqyo ciidan ka wada deegaanno dhaca xuduudka.