AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay cidda hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iy cod ah

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa faah faahin guud ka bixiyay waxa hortaagan in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si Bulshada Soomaaliyeed u doortan cidda ay doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo hortaagan inay dalka ka dhacdo doorashoq of iyo cod ah sababo la xiriira in ay degaannada qar weli heystaan, sidoo kalena ay dileen dad doorashooyinkii la soo dhaafay ka qeyb qaatay.

Wasiirka oo ka qeyb galay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda wuxuu sheegay in aysan macquul noqoneyn in degaannada ay dowladda maamusho kaliya doorashada laga qabto, isla markaana laga tago dadka kunool degaannada ay gacanta kuhayaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in muddo laba sano gudahood ah Al-Shabaab looga saari doono degaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadaya xilli ay hakadeen howlgalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday Gobolada dalka.