AKHRISO:- Shir laga yeeshay sugida Amniga Bisha Ramadaan Magaalada Garoowe

0

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Nugaal G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Xafiiska Gudoomiyaha Gobalka kaga qeyb galay kulan looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa Amniga Caasimada Bisha Ramadaan

Kulankaan ayaa Waxaa shir gudoominaayay Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cawil Mataan waxana ka qeyb ahaa Masuliyiin ka socday Laamaha Taraafikada Puntland.

Taliye Xuseen ayaa ayaa dhamaan CiidamadaGobalka u soo jeediyay in Bisha Ramadaan ay shaqeen doonaan maalin iyo Habeen si loo dardar galiyo Amniga isagoona Bulshada ugu baaqay in ay xoojiyaan lashaqeynta Ciidamada.

Puntland ayaa xoojisay Amniga degaanadeeda maalmaha Bisha Barakeysan ee Ramadaan, maadaama inta badan laga cabsi qabo inay weeraro degaannadaas ka geystaan Al-Shabaab.