AKHRISO:- Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaano katirsan G/Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya degaano dhaca Bariga degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal Beeleed geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu daba socdo dagaal shalay Gelinkii dambe ka dhacay isla degaannadaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegayaan in dagaalka uu Maanta ka dhacay degaannada Ilix, Galqoryaale iyo Ceel Barafaange.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dagaalkaan uu salka ku haayo isku qabsiga dhul daaqsimeed halkaas kuyaalla maadaama dhowaan ay curteen roobabka Sannadkan.

Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, kuwaas oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

laamaha amniga Galmudug iyo Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dagaalka, hayeeshee inta badan degaannada Galmudug ayaa waxaa kusoo batay sanadihii la soo dhaafay colaad Beeleedyada.