AKHRISO:- Nabadoon Caawa lagu dilay Baladweyne

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Kooxo ku hubeysnaa bastoolado ay Caawa Xaafada Nuurxawaad ee Magaalada Beledweyne ku dileen Nabadoon Cabdullaahi Xassan Cawaale Tooratoor oo sidoo kale Ganacsade ahaa.

Dilka kadib dadweyne kusugnaa Goobta ayaa isku dayay inay qabtaan ragga dilka geystay balse ay isaga caabiyeen bambooyin Qaraxyo ah, iyagoo ugu dambeyn sidaasi ku baxsaday.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka saneeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilka Nabaddoonka oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee siweyn looga yaqaanay Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Allgalgaduud u sheegeen in dilla Nabaddoonka kadib bambooyinkii ay tuureen ragga dilka geystay ay geysteen khasaarooyin burbur hantiyadeed, isla markaana xaalka Caawa ee Magaalada Beledweyne uu yahay mid siweyn looga dareemay dilka.

Dilka Caawa Magaalada Beledweyne loogu geystay Ninka Nabaddoonka ahaa ayaa kusoo aadaya xilli Maalmihii la soo dhaafay Amniga Magaalada Beledweyne uu ahaa mid wanaagsan, wallow kal hore ay ka dhaceen qaraxyo imiidaamin ahaa.