AKHRISO:- Dad careysan oo bannaanbax ka dhigay Magaalada Ceelafweyn

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Ceelafweyn oo katirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka dhacay bannaabax ay dhigayeen shacab ka careysan dil ay Ciidamada Somaliland u geysteen qof Shacab ah.

Dadkii banaabaxa dhigayey ayaa qaarkood sitay Calanka Soomaliya iyagoo ku qaliyeynayey in ay aysan doonayn Ciidanka Soomaliland ee deegaanka ku sugan ka dib dilal badan oo ay u geysteen dad shacabka ah.

Xildhibaano katirsan kuwa Somaliland balse laga soo doorto Gobolka Sanaag ayaa sheegay in dilalka ka dhacaya Magaalada Ceelafweyn ay yihiin kuwo qorsheysan oo la doonayo in dadka lagu dhibaateeyo.

Waxaa ay ugu baaqeen Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi abdi inay tallaabo ka qaado Ciidamada dadka dhibaateeynaya iyo cidkasta oo liddi ku ah amniga Magaalada.

Magaalada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa horay uga dhacay dilal ay geysteen Ciidanka Soomaliland, iyada oo dhawaan Shacab ka carwysnaa dilalka ka dhacayay Magaalada Laas-Caanood bannaannaxyo ay sameeynsyeen muddo 10 cisho ah ay sababtay inay Ciidamada Somaliland isaga baxaan Magaalada.