AKHRISO:- Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Laas-Caanood & faah faahin kasoo baxeysa

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas-Caanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidamada Somaliland ay halkaasi kudileen Wiil halinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka Canka ka ah Magaaladaas.

Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Dhayloos ayaa xilliga la dilayay oo uu ku sugnaa meelo kamid ah Magaalada laascaanood uu ku hubeysnaa Qoriga AK47, balse Ciidamada Somaliland oo ka shakiyay ay dileen, sida ay Warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ehellada Wiilka la dilay oo kamid ahaa dadkii bilaabay kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ayaa tegay halka lagu dilay Axmed Dhayloos, iyaga oo goobta ka qaaday meydka, waxaana ay sheegeen inay u aargudi doonaan dilkaas.

Xalay ilaa saaka ayaa siweyn waxaa siweyn Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool looga dareemay dilka loo geystay Axmed Dhayloos, waxaana xusid mudan in Magaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro katirsan Xukuumadda Soaliland.

Si kastaba, dilka xalay Magaalada laas-Caanood logu geystay Axmed Dhayloos oo kamid ahaa dadka waday kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli magaalada uu ka socdo Shir looga hadlayo mustaqbalka Gobolka Sool, sidoo kalena weli aan xal laga gaarin xiisada ka taagan Magaalada Laas-Caanood.