AKHRISO:- Qarax Gaari oo lagu dilay Sarkaal horey uga soo goostay Ukraine

0

Gaari miineysan ayaa waxa uu saakayto ku qarxay magaalladda Energodor ee Gobalka Zaporozhye ee dalka Raashiya, waxaana sarkaal lagu magacaabo Vladimir Rogov oo ka tirsan Boliska Maxaliga uu sheegay inuu hal qof ku geeriyooday Qaraxaasi.

Waxa uu xaqiijiyey in mid ka mid ah Saraakiisha Boliska uu ku geeriyooday Qaraxaasi oo waxyeelo u geystay gaadiid iyo Dhismooyin.

Kooxaha Dab-damiska ayaa la arkayey iyagoo ku hawlan Daminta Dabka ka dhashay Qaraxaasi.

Dhanka kale, Warbaahinta dalka Ukraine waxay shaaciyeen in Qaraxaasi lagu dilay Sarkaal lagu magacaabo Yevhenii Kuzmin oo horey uga tirsanaa Hay’adda Xoojinta Sharciga Ukraine.

Sarkaalkaasi oo magaciisa lagu sheegay Yevhenii Kuzmin waxa uu ku geeriyooday Qaraxii Gaariga ee ka dhacay magaalladda Energodor ee Gobalka Zaporozhye.

Gobalkaasi oo horey qeyb uga ahaa dalka Ukraine waxa uu haatan ka tirsan yahay dalka Raashiya, kadib, markii Afti Dadweyne loo qaaday inay Raashiya Raashiya biiraan sanadkii hore ee 2022-kii.