AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka Ururka Bariga Afrika

0

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa faah faahin guud ka bixiyay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto inay xubin ka noqoto Ururka daladda Bulshada bariga Africa.

Wuxuu sheegay in 40 Xubnood oo ka socday Ururkaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada muqdisho ay Soomaaliya qiimeyn kaga sameeyeen dhinacyada, Dhaqaalaha, Amniga, Ciyaaraha, Sharciga si Soomaaliya ugu biirto Ururka, isla markaana ay qabaan in natiijo wanaagsan ay soo bixi doono.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Ururka Bulshada bariga Africa Cabdisalaan Cumar Hadliye wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Wafdiga Ururka Bariga Afrika ka socda ay Soomaaliya gudbin doonaan natiijo wanaagsan, isla markaana ay rajeynayaan in wixii ka dambeeya 2-ka Bishaan loo gudbi doono wajiga labaad ee Hanaanka ay uga mid noqoneyso Ururka.

Dhinaca kale Wasiiru dowlaha wasaarada arrimaha dibadda XFS Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Ururka oo ka kooban 7 dal faa’iidada ugu jirta Soomaaliya ay tahay in ay u fududaadaan arrimaah Ganacsiga, Socdaalka iyo inay dadka Soomaaliyeed Shaqo ka heli karaan dalalka kujira Ururka Bariga Afrika.

Dowladda Cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay dadaal ugu jirtay sidii Soomaaliya uga mid noqon laheyd Ururka Bulshada bariga Africa, iyada oo hadda dowladda rajo wanaagsan ka qato ku biiritaanka Ururkaas.