AKHRISO:- Ciidamada ATMIS oo wiil Dhalinyaro ah kudilay Isgoyska Ceelgaabta

0

Ciidamo katirsan kuwa howlgalka ATMIS ayaa goordhow dil ugu geystay Isgosyka Ceelgaabta Wiil Dhalinyaro ah.

Askarta ayaa ilaa laba xabadood ku dhuftay Wiilka dhalinyarada ah kana mid ahaa Ciyaalka darbi jiifka.

Ciidamada dowladda ee ku sugan Koontoroolka laga galo Madaxtooyada ee Ceelgaabta ayaa u diiday Gaadiidka ay wataan Ciidamada ATMIS ee Wiilka Dhalinyarada ah dilay inay ka gudbaan, iyada oo hadda uu bannaanbax socdo.

Waxaa dadweyne ka careysan dilka ay Ciidamada ATMIS u geysteen Wiilka Dhalinyarada ah ay xirteen wadada Isgoyska Ceelgaabta, iyaga oo dhigaya bannaabax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.