AKHRISO:- Booliska oo Muqdisho ku qabtay Burcad hubeysan iyo Ciyaal weero

0

Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir oo uu hor-kacayay Taliyaha Saldhigga Gaashaanle Dhicis ayaa ku guleystay qabashada Koox iskugu jirtay burcadda Hubaysan iyo Ciyaal-weerada Kuwaas oo Ciidanku ka qabtaan isla Degmada Hodan.

Kooxdaan oo afar kamid ah ay yihiin Ciyaal-weero ayaa dhaawac u geysatay labo Muwaadin, iyaga oo ku Dhaawacay Mindiyo ay wateen, Kadibna ka qaatay Taleefanadoodii, Ciidanka Booliska Degmada Hodan ayaa sidookale qabtay Mid kamid ah Burcada hubaysan ee dadka baarta kaasi oo isna dhac kasoo geystay Degmada Dharkenleey iyo Mooto Bajaaj uu watay.

Taliska Qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir War kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in aysan aqbaelyn in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isla markaana cid kasta oo khalqal gelineysa Amniga Caasimadda tallaabo ka qaadi doonaan.

Sidoo kale Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada, kuwaas oo dhibaato ku ah dadka Shacbaka ah oo dhowr jeer cabasho ka muujiyay.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa dada kunool qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ay cabasho ka muujinayeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geysanaya iyo Ciyaal weero, balse Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay bilaabeen howlgallo ka dhan ah kooxahaas