AKHRISO:- Xubno katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada dowladda

0

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed ee ku sugan degmadda Xarardheere ee gobolka Mudug, ayaa waxaa la sheegay inay Maanta isku-soo dhiibeen labo Xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Labada xubnood oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh Xamse iyo Cabditaax Aadan Abiikar Ibnu-Dayib, kuwaas oo muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Al-Shabaab, kana yimaadeen furimaa dagaalka ee dhinaca degaanka Caad.

Raggaan oo Warbaahinta kula hadlay degmada Xarardheere ayaa waxaa ay sheegeen in ay u adkeysan waayeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dhibaato ay sheegeen inay dadka ku hayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay ugu baaqeen Xubnaha kale ee weli katirsan Al-Shabaab ,kuwaas oo ka barbar dagaalamaya inay isaga soo tagaan, isla markaana isku soo dhiibaan Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya eek u sugan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee soo dhaweeyay labada Xubnood ayaa sheegay in sidoo kale loo baahan yahay in raga wel katirsan Al-Shabaab isa soo dhiibaan aysan soo dhaweyn doonaan.

Tan iyo markii Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen Gobolada dalka ayaa waxaa soo batay Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya.