AKHRISO:- Hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo ka socda shabeellada Hoose

0

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka Xoogga dalka ay Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab ay ka bilaabeen degaanno hoostaga degmada Baraawe.

Ururka 25aaad ee Ciidanka Xoogga dalka kuna sugan gobolka Shabeelada hoose ayaa muddooyinkii dambe diyaar garow ugu jiray ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka Alshabaab.

Taliyahaa Guutada 6aad qaybta 6oaad ee Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Aadan Abshir Nuur laba Afle oo kormeeray Ciidanka xoogga ee ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shaabeelaha Hoose ayaa ku Amray in ay u diyaar garowaan daagaalka Alshabaab looga saarayo dalka iyo in ay ka shaqeeyaan Xasilloonida degaannada Hawlgallda ay kula wareegaayaan.