AKHRISO:- Wadooyinka Muqdisho Oo Saaka U Xiran Shirka Madaxda Dalalka Safka Hore

0

Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa saaka oo Arbaca ah u xiran ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa ku sababaysay “adkeynta ammaanka”, maadaama shir caalami ah uu maanta ka qabsoomayo caasimadda.

Hogaamiyeyaasha dalalka dariska ee safka hore loo yaqaano sidda Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti ayaa la filayaa in ay soo gaaraan magaalada, halkaasoo shir muhiim ah ay kaga qeyb galayaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayay kala qeybgelayaan shir ku saabsan la dagaalanka Al-Shabaab iyo masiirka ATMIS.

Kulan gogol xaar u ah shirkan ayey shalay magaaladan ku yeesheen wasiirada Gaashaandhigga iyo taliyayaasha ciidamadda ee dalalkan, waxaana la filayaa in madaxda dalalkan ay isla meel dhigaan ciribtirka Shabaab oo dhibaato ku ah ammiga dalalkan.