AKHRISO:- Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo maanta degaanka Beer-xaanno oo dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka oo garabsanaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa billoowday kaddib markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka ay weerar ku qaadeen goob Al-Shabaab isku aruursanayeen , waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen inay Al-Shabaab weerar qorsheynayeen balse ay ka hortageen.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in intii uu socday dagaalka Ciidan gurmad ah oo uu hoggaaminayay Taliye Xasan Guuleed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad qeybta 27-aad ayna wehliyeen ciidanka Gorgor ay gaareen goobta uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in khasaare xooggan Al-Shabaab ku gaarsiiyeen dagaalka ayna ka saareen deegaano aay kamid yihiin Beerxaano Tarashante Dhoqor iyo kuwa kale oo dhammaantood dhaca Koonfurta Magaalada Beledweyne kuna teedsan wabiga Shabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay howlgallo kala duwan ka wadaan.