AKHRISO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka ka furmay Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxa goordhow ka furmi doona shir ay leeyihiin wasiirada gaashaandhiga ee dalalka la yiraahdo safka hore ee ciidamadoodu joogaan Soomaaliya iyo wasiirka difaaca ee dawladda federaalka.

Shirka oo wasiirada ay ku wehliyaan taliyayaasha ciiidamada ee wadamadaasi ayaa diirada lagu saari doonaa ajandayaal ay kamid yihiin sida ciidanka Soomaaliya ee dagaalka ku haya ururka Al-Shabaab loo taageeri lahaa iyo in dalalka gobolka ay kaalintooda ka qaataan dagaalka Al-Shabaab.

Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka beri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgallada millateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guud ahaan amniga gobolka.

Shirkan ay Dalalka Safka Hore isugu imaanayaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxda ay si hoose iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga.