AKHRISO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay Shil Gaari oo ka dhacay Gobolka Nugaal

0

Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Shil Gaari oo Maanta ka dhacay degaanka Farjanno oo hoostaga degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Laba gaari oo ah nooca loo yaqaano maarkedka iyo Gaari kale oo Candha-meydle ah, sida ay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen Warbaahinta.

War kasoo baxay taliska Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inay tageen Goobta uu shilka ka dhacay Ciidamada Ilaalinta Nabad-gelyada Waddooyinka, ayna Isbitaalka geeyeen dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay shilka.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay inay baaritaan kuhayaan sida uu u dhacay shilka iyo waxa sababay, iyada oo shilalka ay waayadii dambe ku bateen degaannada iyo degmooyinka Gobolka Nugaal.