AKHRISO:- Nin Ganacsade ahaa oo lagu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

0

Rag hubeysan ayaa xalay meelo kamid ah dgaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho waxaa ay kudileen Nin Ganacsade caanka ahaa degaankaas oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Sheekeeye, iyaga oo dilka kadib goobta isaga baxsaday.

Dad kusugan degaanka Ceelasha Biyaha ayaa Allgalgaduud u sheegay in raga hubeysnaa oo ku labisnaa dareeska Ciidamada dowladda ay ahaayeen Burcad ka dhacayay taleefoonkiisa xilli uu kasoo baxay masjid uu salaad kusoo dukaday, hayeeshee muran dhex-maray kadib ay dhowr xabadood ku dhufteen, kadibna ay ka qaateen taleefoonkiisa.


Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya yaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, balse aysan ku guuleysan inay qabtaan raggii dilka u geystay Ganacsadaha kadibna ka dhacay taleefoonkiisii.

Meydka Ninka Ganacsada ahaa ayaa waxaa la keenay Xarunta ay’adda dambi baarista ee CID-da waxaana ehelladiisa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka dalbanayaan inay cadaalad u helaan dilkaas, isla markaana soo qabtaan dadkii ka dambeeyay.

Maamulka iyo laamaha Ammaanka ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaan weli ka hadlin dilka Ninka Ganacsadaha ahaa, waxaana jrat in dhowr jer sidaan oo kale ay rag burcad ah halkaasi ugu dileen dad kale, xilli ay dhac u geysanayeen.

Magaalada Muqdisho iyo degaannada ku xeeran ayaa waxaa dadka kunool ay dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira, dil, dhac iyo dhibaatooyin kale ay kala kulmayaan Kooxo Burcad ah, iyada oo hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban la’yihiin.