AKHRISO:- Turkiga oo xiray nin Soomaali ah oo TIKTOK ku faafiyay muuqaal isagoo jeex jeexaya lacagta dalkaas

0

Ciidamada Ammaanka dalka Turkiga ayaa xasbiga dhigay muwaadin Soomaaliyeed oo bartiisa Tiktok ku baahiyay muuqaalka, isaga oo jex jeexaya lacagta waddankaas, taas oo ay dowladda Turkiga aad uga carootay.

Muwaadinka Soomaaliyeed oo heysta dhalashada dalka Finland ayaa muuqaalka uu iska soo duubay siweyn ugu baahay baraha Bulshada gaar ahaan Aalada Tiktoka, waxaana tallaabada uu qaado ay baqdin ku abuurtay dadka kale ee Soomaaliyeed oo ka cabsi qaba in uu saameyn ku yeesho noloshooda.

Saraakiil katirsan laamaha Amniga dalka turkiga ayaa sheegay in Ninkaas ay baaritaan ku hayaan maskax ahaan, waxaana macquula in dhawaan maxkamad la soo taao, isla markaana lagu rido xukun xabsi ah.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii Haweeney Soomaali ah oo ku sugan dalka Turkiga ay difaacday haweeney Siiriyaan ah oo loo xiray qaraxii ka dhacay magaalada Istanbul oo ay ku dhinteen lixda qof.

Warbaahinta adduunka ayaa soo qaadatay muuqal ay ku faafisay baraha bulshada, iyadoo sheegaysa in haweeneyda la xiray aanay iyadu falka ku lug lahayn.

Dalka Turkiga oo ah saaxiibka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan Soomaali aad u farabadan oo sanadihii la soo dhaafay badankood ay galeen, hayeeshee ficilada qaar ay ku kacayaan Soomaalida ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato lagana mamnuuco tegitaanka waddankaas.