AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Wasiirada Arrimaha dibadda Soomaaliya & Imaaraadka?

0

Wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dubai kula kulmay dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Imaaraadka, Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Abu Dhabi, ayaa waxay kaga wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka ka dhexeeya dalalkooda.

Waxa kaloo is weydaarsadeen fikrado dhowr ah oo khuseeya gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee quseeya arrimaha labada dal ee Soomaaliya iyo UAE.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa ku ammaanay dowladda Imaaraatka inay taageero joogto ah la garab taagan tahay Soomaaliya iyo shacabkeeda, isagoo u rajeeyay Imaaraadka horumar iyo barwaaqo.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay aad u daneynayso inay kor u qaaddo iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka, isaga oo ammaanay maqaamka uu Imaaraadka ku hoggaamiyo heer gobol iyo heer caalami.