AKHRISO:- Booliska Soomaaliya oo Magaalada Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysatay

0

“ Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Booliska.

Sidoo kale Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaa ay sheegeen in Mootadaan ay isla xalay fiidkii horay dhac uga geysatay Xaafada DAALO ee Degmada Howl-wadaag, kadib markii ay Bulshadu ka gacansiisay gacanta lagu soo dhigay.

Ugu danbeyn Booliska ayaa Shacabka ku wargeliyay inay socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo Xubnaha katirsan ururka Al-Shabaab ee mararka qaar falalka Amni darro ka geysta Magaalada Muqdisho.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Shacbaka kunool degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa ay ka cabanayeen Kooxo burcad ah oo dhac u geysnaya, kuwaas oo qaarkood dadka dilaya, waxaana taasi keentay in Booliska Soomaaliya ay joojiyeen inay shaqeyso mooto Bajaajta wixii ka dambeeya 12:00 habeennimo wallow aysan dhaqan gelin amarkaas intooda badan.