AKHRISO:- Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay Nin Wiil Dhalinyaro ah kudilay Hargeysa

0

Ciidanka Booliska Soomaaliland ayaa gacanta ku dhigay Eedaysane ifsa Axmed Shariif,kaas oo ku Eedaysan in uu ku dilay Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq 22 jir Magaalada Hargeysa

Eedaysanahan oo ka soo jeeda qoomiyada Oromada ayaa ku eedaysan in uu ku dilay Marxuumka Feer jilib uu ku dhuftay, Dilkan ayaa ka dhacay Huteel Guuleed Ee Magaalada Hargeisa hortiisa, sida lagu sheegay war kasoo baxay Booliska.

Ciidanka Booliska ayaa markii lagu soo war galiyey Dhacdada Dilkaasi ka Hawlgalay waxayna Saacado Gudahood ku soo qabteen Eedaysanaha oo goobtii uu dilka ka gaystay ka baxsaday.

“ Ciidanku waxa uu ugu baaqaayaa cid kasta oo isku day amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan iyagoo ILAAHAY talo saaranaaya ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Booliska Somaliland.

Ugu Dambayn Ciidanka Boolisku waxa uu shacabka Somaliland guud ahaantood ku amaanayaa kala shaqaynta amniga iyo xogaha ay mar waliba la soo wadaagaan.