AKHRISO:- Booliska Somaliland oo gacanta ku dhigay ruux dil geystay

0

Ciidanka booliska ayaa war kasoo saaray dil ka dhacay magaalada Hargeysa , ciidanka booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay gacana kusoo dhigeen eedeysanihii ka dambeeyay dilka.

Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Baashe Faarax Cabdi oo ku Eedaysan in uu dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan ina Nuura Suudi oo 25 jir ah.

Eedaysanahan ayaa ku eedaysan ina ku dilay Marxuumka tooray Abaaro 2:30 Habeenimo ee Xalay kaasi oo kaga dhuftay qoorta, Dilkan ayaa ka dhacay Huteelka Niil Ee Magaalada Hargeisa.

Ciidanku waxa uu ugu baaqeen cid kasta oo isku dayda amni darro in ay gacan bira ku soo qaban donaan .