AKHRISO:- RW kuxigeenka dalka oo u dhoofay dalka Niger

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Salah Jama ayaa u amba-baxay caasimadda dalka Niger ee Niamey oo uu kaga qeyb gali doono shir Madaxeedka Midowga Afrika ee Warshadaha iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax kala duwan oo ka socda qaaradda Afrika iyo adduunka ayaa lagaga hadlayaa sidii dalalka Afrika isaga kaashan lahaayeen horumarka dhaqaalaha iyo warshadaha kuwaasi oo ka qayb qaadan doona kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka dalalka Afrika.