AKHRISO:- Milatariga Kenya oo sheegay in ay dileen 12 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab

0

Ugu yaraan 12 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay kaddib dagaallo ay ciidamada Kenya la galeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Ciidamada Millateriga Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay dileen dagaalyahannada ka dib markii ay isku dayeen in ay weeraraan xero ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya.

“Ciidanka Difaaca Kenya waxa ay dileen 12 ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay in ay weerar ku qaadaan Saldhigga Howlgalka ee tuulada Sarira ee koonfurta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay milatariga Kenya.

Sidoo kale Millaetriga Kenya waxaa ay sheegeen inay wadaan howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab si ay ugu guuleystaan inay ka hortagaan weerarada ay la beegsanayaan Ciidamadooda.

Weerarkan ayaa imaanaya maalin un kadib markii saddex askari oo Kenyan ah iyo shan kale ay ku dhaawacmeen kadib markii ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano katirsan gobolka Jubbada hoose.

Tan iyo markii Ciidamada Kenya ee kamid noqday howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS soo galeen gudaha Soomaaliya ayaa Al-Shabaab waxaa ay weeraro la beegsanayeen xerooyinka ay kuleeyihiin degaano katirsan Gobolka Jubbada Hoose & xadka ay wadaagaan Soomaaliya.