AKHRISO:- Madaxweynaha Galmudug oo ku dhawaaqay dagaal horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa sheegay in weli ay Al-Shabaab gacanta kuhayaan Afar kamid ah degmooyinka Galmudug, ìsla markaana ay dadka kunool kuhaaan dhibaatooyin kala duwan.

Madaxweynaha oo soo xiray munaasabadda Caleemo saarka Golaha degaanka degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dadka Reer Galmudug oo kaashanaya dowladda Federaalka & dowlad Goboleedyada kale looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan xoreeynta degaannada ay gacanta kuhayaan Al-Shabaab.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dadka kunool degaannada Galmudug ay horay dagaalo adag ula galeen Al-Shabaab, loona baahan yahay in markale loo midoobo sidii la isaga xoreyn lahaa Al-Shabaab si ay xoriyad u helaan dadka Reer Galmudug.