AKHRISO:- Guddooomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa abaabulka howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ka wada degaano katirsan gobolkaas, isaga oo la kulmaya Ciidamada degaanka iyo Odayaasha Dhaqanka.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay xorriyada ka qaadeen dadka kunool Gobolka Shabeellaha Dhexe, isla markaana wadada kaliya ee furan ay tahay in lala dagaalamo.