AKHRISO:- Dowladda oo sheegtay in howlgal & duqeymo lagu dilay 49 katirsan Al-Shabaab

0

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 49 Xubnood oo katirsan Ururka Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Al-Shabaab lagu dilay tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeedka.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Al-Shabaab.

Al-Shsbaab ayaa lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Shabaab looga xoraynayo dalka oo dhan isla markaana garab taagan ciidanka qalabka sida ee dalka.

-Dhammaad-