AKHRISO:- Weerar Askar Kenyan ah lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar lagu dilay ciidamo katirsan kuwa Kenya ee katirsan howlgalka midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo ka dhacay xadka Jubadda Hoose uu la wadaago Kenya.

Weerarka ayaa waxaa uu yimid kadib markii qof hubeysan uu si farsameysan gudaha ugu galay Xero ay leeyihiin Ciidamada Kenya, isaga oo rasaas ku furay Askarta, waxaana halkaasi ku dhintay Saddex Aakari halka Shan kale ay dhaawacmeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Kenya oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Ninka weerarka geystay uu muddo tijaabinayay weerar noocan oo kale ah, isaga oo ugu baaqay Ciidamada inay feejignaan amni muujiyaan, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay Al-Shabaab.

“Innaga oo la joogo dhammaadka sanadka, waxaan u baahannahay inaan aad uga feejignaano agagaarkeena. Khatarta argagixisanimo weli waa mid baahsan, waana in la qaadaa tallaabo kasta oo lagu xakameynayo qorshahooda.” ayuu yiri sarkaalka.

Inta badan degaannada kala qeybiya xadka u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhaca weeraro lagu qaado ciidamada Kenya ee halkaasi saldhigyada ku leh iyo kuwa waddooyinka ku socdaala, iyaga oo mararka qaar fuliya howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.