AKHRISO:- Maamulka Jubbaland oo soo farogeliyay khilaafka Guddoomiyaha Gobolka gedo & Taliyaha Nabadsugida

0

Xiisad dagaal oo u dhaxeeya Guddoomiyaha gobolka Gedo ugu magacaaban dowladda Soomaaliya Axmed Buulle Gareed iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal Kooke ayaa maalintii labaad ka taagan degmada Doolow ee Gobolkaasi Gedo.

Xiisadda ayaa salka ku heyso arrimo la xiriira Canshuurta laga qaado qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana labada dhinac la sheegay in mid walba uu diyaarsaday Ciidamo taabasan lagana cabsi qabo inay dagaalamaan, waxaana khilaafka labada mas’uul soo faro-geliyay Maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Janeraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa sheegay inay la socdaan khilaafka hareeyay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Gobolka Gedo, isla markaana ilaalinta amniga iyo xasiloonida gobolka ay mas’uul ka yihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in aan marnaba laga aqbaleyn in qofkii doonaya mansab siyaasadeed in uu dad aflagaadeeyo, isla markaana Maamulka Jubbaland uu tallaao ka qaadi doono cid kasta oo wadda khalqal gelinta Amniga Gobolka Gedo.