AKHRISO:- Laamaha Amniga Gobolka Gedo oo soo bandhigay waxyaabaha qarxa

0

Ciidamada Booliska degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa howlgallo miino baaris ah waxa ay Maanta ka sameeyeen xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan inta u dhaxeeysa magaalooyinka Beled-xaawo iyo mandheera.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Beled-xaawo ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa markii ay heleen xog ku saabsan qarax miino oo ay Al-Shabaab ku aaseen inta u dhaxeeysa Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera gaar ahaan barxada ina baari, isla markaana ay soo saareen Miinadii.

Waxaa ay sheegeen in miinada ay Al-Shabaab doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Shacabka ah ee u kala gooasha Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera gaar, hayeeshee dadka Shacabka ah oo xogta la soo wadaagay kadib ay sidaaasi ku howlgalleen.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Magaalada Beled-xaawo ma sheegin dad ay ku qabteen howlgalkaas, balse ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada miino barista ah, sidoo kalena ay siweyn u xaqiijin doonaan amniga xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Dhowr jeer ayaa wadada u dhaxeeysa Magaalooyinka Beled-xaawo iyo Mandheera waxaa qaarxyo miino lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Gobolka Gedo geysay, hayeeshee todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaasi ka sameeynayeen ciidamada howlgallo kala duwan.