AKHRISO:- DFS oo ka shaqeynaysa qorshe sannadka 2023 looga qaadayo cunaqabataynta hubka

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Abshir Cumar Haruuse ayaa magaalada Dublin ee dalka Ireland kula kulmay wasiirka arimaha dibadda iyo difaaca ee dalka Ireland simon Coveney.

Kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay iskaashiga ka qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya 2023 iyo taageerada Soomaaliya ee ku aaddan xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee doorashada June 2024.

Dalka Ireland oo kamid ah dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa sidoo kale waxay madax u tahay guddiga cunaqabateynta ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Jimcihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii golaha ammaanka uu muddo hal sano ah ku kordhiyay cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya kadib markii dalal badan ka codeeyeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in cuna-qabataynta hubka ay caqabad ku tahay dadaallada dib loogu dhisayo ciidamada qaranka iyo kuwa amniga si looga hortago khataraha waxa loogu yeero argagixisada.

Soomaaliya ayaa waxaa muddo badan saran cunaqabateyn la xiriira dhanka hubka, hayeeshee waxaa Soomaaliya si caadi ah us oo gala hub farabadan oo dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay isku adeegsadaan xilliyada ay dagaalamayaan.