AKHRISO:- Ciidamada Ruushka oo kordhiyay duqeymaha ay ka wadaan gobolka Kherson

0

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey.

Magaaladu ayaa inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa.

Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.

Wakaaladda wararka ee Ruushka ayaa ku warrantay in 15 gantaal lala dhacay goobta.

Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.