AKHRISO:- Golaha Wakiilada Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda sanadka 2023

0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland , Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 13-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland oo ka qabsoomay Magalada Garoowe.

Ajandaha fadhigaa ayaa ahaa soo gudbinta Miisaaniyadda uu ku shaqeyn doono Dowlad Goboleedka Puntland sannadka 2023 taas oo Wasaaradda Maaliyadda Golaha u soo gudbisay.

Miisaaniyada Sannadka 2023 ee Maamulka Puntland ayaa dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan lix boqol sagaashan iyo sagaal kun sideed boqol labaatan iyo shan dollar) kororka Miisaaniyadda ayaa ah 6% marka la bar-bar dhigo sannadkii hore.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland , Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa khudbad uu ka jeediyey Aqalka Wakiillada waxa uu ku faah-faahiye Miisaaniyadda Sannadka 2023, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda January 1, 2023 kuna eg December 31, 2023 si waafaqsan Qodobka 135-aad farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Puntland.

Wasiirka ayaa ku sheegay in ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan uu noqonayo $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ku xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda, si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Sabtida, November 26, 2022.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040

Intaa kadib, Fadhiga oo ay goob-joog ahaayeen 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 41 Xildhibaan, Diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay codsigii Wasaaradda.