AKHRISO:- Ciidamada Macawiisleyda oo weeraray degaan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

0

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kuwa degaannada Shabeellaha Dhexe ee Macawiisleyda ay Maanta weerar ku qaadeen degaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Algalgaduud u sheegeen in Ciidamada xoreynta degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka duulaan tageen degaanka Xalfooleey, isla markaana ay weerareen degaanka Ceelbaraf, iyada oo dagaalkii dhex-maray, iyaga Al-Shabaab uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Horjoogayaasha Ciidamada degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Macawiisleyd ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen degaanka Ceelbaraf ay kudileen laba kamid ah Ururka Al-Shabaab, hubna ay kasoo furteen.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan gobolka Shabeellaha Dhexe ilaa laga saarayo Ururka guud ahaan Gobolka.

Dhawaan ayaa degaanka Miirtaqwo oo u dhow degaanka Ceelbaraf waxaa lagu soo bandhigay Ciidamo degaanka ah oo hubeysan, kuwaas oo sheegay inay diyaar u yihiin la dagaalanka Ururka Al-Shabaab oo ay sheegeen inay dhibaato ku hayaan dadkooda.