AKHRISO:- Cabdi Xaashi Oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogatada Ah Ee Aqalka Sare

0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde),ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare.

Kulanka oo ahaa Kalfadhiga labaad kulankiisa koowaad ee guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare, ayaa ugu horreyn Guddoomiye Cabdi Xaashi, wuxuu warbixin ka siiyay guddiga sharrciyada muhiimka ah ee aan wali marin habraacii sharci ee saxda ahaa iyo kulan mirodhal ahaa ee uu dalka turkiga kula qaatay qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Mudane Mustafa Sentop.

Xubnaha Guddiga iyo guddoonka oo isla falanqeeyay Amniga guud ee dalka, ayaa ugu danbayn Ansixiyey in Senator Siiciid Cabdi Xuseen (Cawke) uu ka mid noqdo xubnaha Guddigala dib-u-eegista iyo la socodka Dastuurka ee uu horray u banneeyay Mudane Saalax axmed Jaamac.