AKHRISO:- Wasiir difaaca iyo Taliyaha xoogga oo gaaray deegaano hoos taga Baxdo

0

Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Xildhibaan Cabdisaabir, Taliyaha Ciidamada Xoogga iyo Saraakiil ka tirsan ciidanada xoogga ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka deegaannada hoos taga degmada Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Goobaha ay booqdeen masuuliyiinta iyo saraakiishan ayaa kala ah deegaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo ciidamada xoogga, kuwaas oo dhawaan ka xoreeyay kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa ayaa dadkii deegaanka ee furimahaas uu ugu tagay ka ballan-qaaday in ay garab taaganyihiin, wuxuuna ku boggaadiyay sida ay u go’aansadeen la dagaalanka argagixisada ka gubtay Ceelashii iyo guryihii ay dagganaayeen.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada xaq u dirirka deegaannadaas, sida ay ugu dhiirradeen in ay iska dul qaadaan Khawaarij banneysatay dhiiggooda, hantidooda iyo sharafkooda, kana been sheegaya diintooda.