AKHRISO:- Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $86.7 Milyan

0

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan (Beenebeene), oo uu weheliyo Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur iyo Danjire Andre ayaa kala saxiixday heshiis horumarineed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, kaas oo lagu taageerayo Soomaaliya dhaqaale gaaraya 86.7 Milyan USD.

Heshiiskan oo ah mid diiradda saaraya dhinacyada Horumarinta, ayaa mudnaanta waxuu siinaya: Dimuqraadiyadda, Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageeridda saaxiibtinimo; iyadoo islamarkaasna la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeriddaan hanaankii loogu talagalay, sidoo kalena la waafajinayo Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Andre ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in sida ay tahay loo maareyo lacagta 86.7 Milyan, isaga oo sheegay inay kordhin doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.