AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Wasiirada Heer Federaal iyo Kuwa Dowlad Goboleedyada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo warbixin ka dhageystay Wasiirada Haweenka heer Federaal iyo mid Dowlad Gobolleed, ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqayntooda, ka dib dhowrkii maalmood ee u danbeeyay oo ay kulamo ku lahaayeen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay haweenka Soomaaliyeed sida waddaniyadda leh ee ay ugu taagan yihiin horumarinta dalka, ka shaqeynta danta guud iyo dib u dhiska dowladnimada.