AKHRISO:- Nabaddoon Caan ahaa oo ku geeriyooday dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

0

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo kamid ah Nabaddoonada ugu caansan Gobolka Hiiraan ayaa ku dhintay dagaal Maanta degaanka Ceelqooxle ee Gobolka Hiiraan ku dhexmaray Ciidamada dowladda & dadka degaanka oo dhinac ah & Al-Shabaab.

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa kamid ahaa dadka hubka qaatay ee todobaadyadii la soo dhaafay Gobolka Hiiraan kula dagaalamayay Al-Shabaab, waxaana dagaalka uu ku dhintay uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerar qarax ku bilaawday ku qaadeen degaanka Ceelqooxle oo hoostaga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta Maamulka degaanka Ceelqooxle iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen inay fashiliyeen weerarkii uga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen.