AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la kordhinayo weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) & Taliyaha Ciidamada xoogga dalka janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo booqasho ku tegay degaannada ay howlgallada ka socdaan ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay garab taagan yihiin cid kasta oo la dagaalameysa Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayay boqolaal kamid ah ciidamada xoogga dalka & kuwa degaanka ee u sugan degaannada Dhuumoodle, Maarsamage iyo Dhisiq-Shurufle ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatada ay Al-Shabaab ku geysteen dadka kunool degaannadaas, isla markaana dowladda Soomaaliya aysan ka hagran doonin wixii taakuleyn ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa ku boggaadiyay ciidamada sida ay ugu dhiirradeen in ay la dagaalamaan Al-Shabaab, isaga oo ballan qaaday inay dowladda Soomaaliya taageero weyn siin doonto.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamada dowladda & dadka degaanka looga baahan yahay in aysan sii fiirsan dhibaatada ay Al-Shabaab ku hayaan Bulshada, isla markaana ay kordhiyaan weerarada ay ku qaadayaan Goobaha ay ku sugan yihiin.

Tan iyo Markii howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka bilaawdeen degaano ka kala tirsan gobolada Hiiraan & Galgaduud ayaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka waxa ay kormeer ku sameeynayeen degaannada lagala wareegay Al-Shabaab ee katirsan labadaasi gobol.