AKHRISO:- Bangiga Adduunka oo Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo wax looga qabanayo Abaarta

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta Soomaaliya Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir ayaa saxiixay $20 Milyan oo bangiga Adduunka ku darayo mashruuca SURP II ee Wasaaradda Hawlaha Guud.

Lacagtan ayaa si gaar ah loogu qoondeeyey in wax lagaga qabato saameynta dhanka abaaraha ee dalka kajira ayna fulin doonto hayadda Socdaalka Adduunka ee IOM.

Mashruuca SURP II oo uu maal galiyey Bangiga Adduunka ayaa lagu dhisaa Waddooyinka dhexmara magaalooyinka Dalka e burbursan, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku qabaan Shacabka.

Madaxda Bangiga Adduunka iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa isku raacay in lacagta 20 Milyan ah wax lagaga qabto saameynta abaarta dalka kajirta.