AKHRISO:- Dowladda Soomaaliya & Maamulka Galmudug oo ka wada hadlay gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi-Waayeel).

kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amb Cabdixakim Ashkir, Agaasimaha waaxda Federaalka ee wasaaradda, Agaasimaha waaxda Dowladaha hoose ee wasaaradda iyo Lataliyaal.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay qodobbo badan oo ay ka mid yihiin xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada wasaaradood, qorshaha wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ee ku aadan federaaleynta iyo baahinta maamullada iyo dib u heshiisiinta.

Arrimaha kale ee kulanka lagu soo qaaday waxaa ka mid ah gulufka cusub ee la dagaalanka Al-Shabaab ee xorreynta deegaannada Galmudug iyo sida ay tahay in ay dowladda dhexe iyo hey’adaha deeqaha bixiyaba ay uga jawaabaan abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee heysta dadka iyo degaannada Galmudug.

Kulankan ayaa kusoo aadayaa xilli degaannada galmudug ay ka socdaan guluf ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay bilaabeen dadka degaanka oo hubka qaatay kadib markii ay ka caroodeen dhibaatooyin ay kala kulmeen Al-Shabaab.