AKHRISO:- Ninkii Ka Danbeeyay Qarax Ka Dhacay Deegaanka Milxo Oo Lagu Qabtay Boosaaso.

0

Warar dheraad ah ayaa laga helayaa howlgal culus oo ciidamadda sida gaarka ah u tababaran Puntland ee PSF ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sida wararku sheegayaan, ciidamadda ayaa gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa qarax 11-kii bishan ka dhacay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

war ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in lagu guuleystay soo qabashada ninkan, waxeyna sheegeen inuusan jirin wax dagaal ah oo oo ka dhashay soo qabashadiisa, iyagoo uga mahadceliyay shacabka oo ay tilnaameen iney arrintan kala shaqeeyeen.

Si kastaba, Qaraxa ka dhacay deegaanka Milxo oo lala eegtay xoogsato qodaneysay macdan ayaa waxaa ku dhintay lix ruux, iyadoo kudhowaad 10 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.