AKHRISO;- Madaxweynaha Mareykanka oo cambaareeyay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Mareykanka

0

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay duullaanka madaxweyne Vladimir Putin ee dalka Ukraine, iyada oo hoggaamiyaha dalka Ruushku uu kor u sii qaaday xiisadda dagaal isla markaana uu ku hanjabay inuu isticmaali doono hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayey kulanka guud ee sannadlaha ah ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, ayaa Biden wuxuu khudbaddiisa inta badan u adeegsaday inuu ku cambaareeyo dalka Ruushka.

“aan si cad u hadalno. Xubin joogto ah oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku duulaysa dal deriskooda ah, iskuna dayaysa inay dal madax banaan ka tirtiraan khariiradda caalamka” ayuu yidhi madaxweyne Biden, isaga oo hadalkiisa sii raaciyey.

“Ruushku wuxuu si xishood la’aan ah ugu xadgudbay mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo si cad u mamnuucaya in wadamadu ay qaataan dhul ka mida dalalka deriskooda ah”

Xiisaddii dagaal ee ugu weynayd ayaa ka taagan dalka Ukraine, tan iyo markii uu bilaabmay duullaanka Ruushku bishii February 24-keedii, saacado uun ka hor intii aanay madaxda caalamku imanin kulanka ka socda xarunta Qaramada Midoobay, Putin oo ku sugan Moscow ayaa ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mida ciidamada milateriga ee dalkaas, isagaa oo u yeedhay illaa 300,000 oo ah ciidamada kaydka ah, wuxuuna wacad ku maray inuu tixgelin doono dhammaan xulashooyinka horyaalla, si loo ilaaliyo waxa uu ugu yeedhay dhulka Ruushka, isaga oo kor u qaaday walaaca laga qabo inuu isticmaalo weerar dhinaca Nukliyeerka ah.