AKHRISO:- Ciidamada dowladda & kuwa degaanka oo Maanta la wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee la magac baxay Macawiisleey oo weli howlgallo ka wada degaano katirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Maanta la wareegeen degaano kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo saaka aroortii soo bilaawday ayaa waxaa ay ciidamada kula wareegeen degaannada Wajab, Camarjibiye, Lalaba iyo Degaano kale oo dhanka Galbeedka Magaalada Beledweyne ugu beegan 70KM isla markaan u dhaw Degmada Ceelcali ee Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay inay degaannadaas ay dagaal uga saareen Maanta Al-Shabaab, isla markaana ay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga degaannadii ay la wareegeen.

Mas’uuliyiin katirsan dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil katirsan ciidamada xoogga dalka ayaa kusoo sugan degaannada ay howlgallada ka socdaan ee Gobolka Hiiraan, waxana ay dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaanada Ceelcadde iyo Ceel-Matoor oo sidaan kale Al-Shabaab looga Saaray Maalmo kahor.